Puntland oo Ka Hadashay Khasaaraha Ka Dhashay Dagaal ka Dhacay Balikhadar

Published: May 16, 2020

Wasiirka amniga Puntland C/samad Maxamed gallan ayaa xaqiijiyay in khasaare uu ka soo gaaray ciidamada Puntland dagaal ay la galeen maleeshiyaadka Ururka Alshabaab degaanka Bali-khadar ee buuraha Galgala.

Wasiirka oo waraysi siiyay Voa waxaa uu sheegay in Ciidamadu ay dileen saddex ka tirsanaa Maleeshiyaadka Alshabaab, dhinaca ciidamada dowladu waxaa uu sheegay in hal askari uu geeriyooday mid kalena dhaawac uu soo gaaray.

Dagaalka ayaa dhacay 14 bishan May xili habeenimo, waxaana uu ka dhacay Degaan u dhow degaanka Bali-khadar

” Waxaa jira wadooyin laga samaynayo inta u dhaxaysa Balikhadar ilaa Galgala, waxaa jira ciidamo ilaalo ah oo wadooyinkaas ilaaliya si aan miinooyin loo gelinin, waxaa dhacday in xili habeenimo ah ay ciidamada iyo cadowgii ay isku helaan halkaas ” Sidaas waxaa yiri wasiirka amniga Puntland

Wasiirku wuxuu kaloo ka hadlay Qaraxyo iyo rag lala xiriirinayo oo Ciidamada amnigu ka soo qabqabteen magaaladda Bosaso.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *