Libya: Ciidamada Haftar oo isaga baxay xaafadihii ay ka heysteen caasimada Tripoli

Published: May 20, 2020

Ciidamada ka amar qaata Jeneral Khalifa Haftar ayaa isaga baxay goobihii ay ka joogeen nawaaxiga caasimada Liibiya ee Tripoli kadib markii laga qabsaday Saldhig militari oo muhiim ah.

Ciidamada hoostaga Dowlada Liibiya ee caalamka aqoonsan yahay ayaa Isniintii gacanta ku dhigay Saldhiga iyo garoonka diyaaradaha Militari ee AL-WATIYA oo ku yaal Galbeedka magaalada Tripoli, garoonka ku yaal Saldhigaasi ayaa ahaa midka kaliya ee Galbeedka dalkaasi oo ay ka duuli kareen diyaaradaha Haftar.

Guushan ciidamada Dowlada ayaa ku khasabtay in xalay iyo maanta oo Arbaca ah ay xoogaga Haftar baneeyaan goobihii ay difaaca uga jireen nawaaxiga Tripoli.

Ciidamada Dowlada saldhigeedu yahay Tripoli ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay gacan militari ka helaysay dowlada Turkiga oo duqeyn dhanka cirka ah la beegsatay xoogaga Haftar oo muddo sanad ah dagaal ugu jiray sidii ay u qabsan lahaayeen caasimada.

Jeneraalka Haftar iyo ciidamadiisa ayaa taageero ka helaya dalalka Imaaraatiga, Masar iyo Ruushka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *