Yemen: Qarax Lagu Dilay Kornayl Ciidan iyo 4 Qof oo kale

Published: May 26, 2020

Kornayl ka tirsan ciidamada wadanka Yemen ayaa ka mid ah 5 qof oo ku geeriyooday Qarax miino oo ka dhacay gobolka Bariga dalkaasi ee Xadramuut

Qarax oo ahaa nooca dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay baabuur uu saarnaa Kornayl Saalax Cali Jaber oo ahaa madaxa amniga ee magaalada Shibam, waxaa kaloo qarax ku dhintay 4 qof oo kale sida ay soo wariyeen warbaahinta wadanka Yemen

Xoghayaha wasaarada Warfaafinta xukuumada Yemen Maxamed Gesan ayaa xaqiijiyay dhacdadan hase yeeshee ma bixin faahfaahin intaas ka badan. Ma jirto ilaa hadda koox sheegatay inay ka dambeeyeen dilka Kornaylka.

Xulufada Sucuudigu uu hoggaamiyo ayaa sanadkii 2015kii bilaabay howlgal milateri oo uu ku taagerayay dowladda sharciga ah ee Yemen , lagulana dagaalamayay kooxda Xuutiyiinta oo ay iiraan taageerto kuwaasoo qabsaday caasimadda Sanca iyo dhul ballaaran oo dalkaasi ah

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *