Trump oo ku hanjabey in uu xirayo baraha bulshada

Published: May 28, 2020

Xoghayaha warbaahinta ee Aqalka Cad Kayleigh McEnany ayaa sheegtay in Madaxweyne Trump uu maanta oo khamiis ah soo saarayo amar Madaxweyne oo ka dhan ah baraha bulshada isku xira, sida Twitter-ka

Kayleigh McEnany ma aysan cayimin waxa amarkani ka dhignaan doono dhaqan-galkiisa.

Arrintan ayaa imaanaysa ka dib markii maalintii Talaadada, markii ugu horeysay ay faragalin ku sameysay bartiisa Twitterka Madaxweyne Trump. Twitter ayaa go’aan ku gaartey qoraalada marinhabaabinta ah ee Madaxweyne Trump in ay hoos dhigaan link ay ku qoran tahay “Hel xaqiiqada” si dadku u helaan xaqiiqada, qoraalada Twitter-ku ku lifaaqey fariinta Trump ayaa noqdey kuwo wiiqaya sheegashada Trump.

Trump ayaa ku jawaabey isagoo ku eedeeyay Twitter-ka inay xanibeen xorriyadda hadalka oo ay aamusinayaan codadka muxaafidiinta.

“Si adag ayaannu u xakamayn doonnaa ama waan xiri doonnaa,” ayuu Trump ku qoray bartiisa Twitter-ka, isaga oo tixraacaya baraha warbaahinta bulshada.

Trump ayaa sidoo kale qoray in Twitter-ka uu hadda faragelin ku hayo doorashada madaxtinimada ee 2020.

Ma cadda in Trump uu awood u leeyahay in uu dhaqan geliyo hanjabaada xiritaanka, tusaale ahaan, Twitter.

Madaxa shirkadda Twitter Jack Dorsey ayaa sheegay in qoraalada qaar ee Donald Trump lagu xiro Fact Check ka dhigimeyso shirkadda Twitter, mid u gar qaadeysa runta iyo beenta.

“Ujeedadayadu waa inaan isku xirno hadalada is khilaafsan oo aan tusno macluumaadka muranka ka taagan yahay si dadku ay iyagu go’aan u gaaraan waxay rumeysanayaan. “

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *