Trump oo ku dhawaaqey in ay xiriirka u jareen Hay’adda WHO

Published: May 30, 2020

Horey ayuu ugu hanjabey Donald Trump in Maraykanku xiriirka u jarayo hay’adda Caafimaadka adduunka ee WHO, haddii aysan isbeddel la’imaan. Laakiin habeenimadii Jimcaha, Madaxweyne Donald Trump wuxuu ugu dambeyntii go’aamiyay in Mareykanka uu jaray dhamaan xiriirkii uu la lahaa Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO.

Waxay noqon kartaa god aad u weyn oo ka jeexmay akoonka ururka Caafimaadka Adduunka oo ay hadda u taalo in ay wax badan ka qabtaan cudurka safmareenka ah ee dunida ka dilaacay ee COVID-19.

Waxay ku guuldaraysteen (WHO) in ay sameynta isbeddelada lagama maarmaanka ah. Sidaa darteed waxaan soo afjari doonaa xiriirka aan la leenahay WHO maanta, ayuu yiri TRUMP.

Wuxuu intaas ku daray in lacagta uu Mareykanku horay ugu deeqi jirey WHO ay hadda ku wareegi doonto hay’ado kale.

Go’aanka Maraykanka waxaa sababey mowqifka Maraykanku uu ka qaatey doorka Shiinaha ee cudurka COVID-19 oo ay ku eedeeyeen in uu yahay mid lagu diyaariyey sheybaar ku yaala Wuhun, hay’adda WHO ayaa arrintaas diidey. Trum ayaa shirkiisi jaraa’id ku sheegay in hay’adda WHO ay maamusho dowladda Shiinaha.

Mareykanku wuxuu bixiyaa $450 milyan sanadkasta taas oo ku dhacda Koontada WHO. Qayb ka mid ah lacagtani waa lacagta xubinnimada qaybta kalena waa tabaruc, arrintan ayaa noqoneysa culeys weyn oo hay’adda WHO la soo gudbaanaatey.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *