Diayaaradaha u kala goosha gudaha Soomaaliya oo dib loo furayo.

Published: June 4, 2020

Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay in la furi doono duulimaadyadda u kala goosha gudaha Soomaaliya ka dib markii ay xayiraad la xiriira cudurka Covid-19 ay saartay duulimaadyadaha.

Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista hawadda ayaa sheegtay in bilawga asbuuca soo socda ay si toos ah shacabka isaga kala safri doonaan goboladda Dalka, dawladu waxa ay sheegtay in arinkaan loo samaynayo si loogu turo shacabka ku xaniban goboladda Dalka.

Garoomada Gudaha Soomaaliya ayaa xayirnaa mudo 3 bilood ah, marka laga reebo diyaarado sidda adeeegyo caafimaad iyo kuwa fasax gaar ah haysta oo iyagu ka dagay qaar ka mid ah garoomada Soomaaliya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *