Siyaasiyiin ka tirsan Beesha Hawiye oo isku khilaafey sida laga yeelayo 7 Xildhibaan ee Banaadir

Published: June 4, 2020

Xildhibaano, Wasiiro iyo Siyaasiyiin kale oo ka soo jeeda Beesha Haweiye ee sheegata lahaanshaha caasimadda Soomaaliya iyo gobolka Banaadir, ayaa habeenkii xalay dood adag ka yeeshey 7 kursi oo la soo jeediyey in gobolka Banaadir loogu daro Aqalka sare.

Guddiga isku dhafka ah ee dhamaystirka hanaanka doorashooyinka ayaa todobaadkan soo bandhigey soojeedin ah in gobolka banadir todoba Xildhibaan Aqalka sare loogu daro taas oo lagu qaybinaayo 4.5.

Xildhibaanada iyo Wasiirada beesha hawiye iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ku kala aragti duwanaadey, soo jeedinta guddiga isku dhafka ah iyo waxa laga yeelayo.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta ayaa soo jeediyey in todobada kursi dib loo celiyo oo gobolka Banaadir aanu qaadan oo ay tahay bahdil, halka qaar kale soo jeediyeen in la qaato laakiin laga hortago in aan lagu qaybin 4.5 oo ay qabsadaan Beelaha Hawiye iyo dadka Banaadiriga ah oo keliya.

Sharci ahaanshaha in Gobolka Banaadir la siiyo 7 Xildhibaan ayaa su’aalo badan ka taagan yihiin, waxay ka hor imaaneysaa dastuurka, sida ku cad qodobka 72, kuraasta aqalka sare waa 54 kursi kuwaas oo lagu qaybinayo 18 gobol, taas oo ah 18×3=54, halka isla qodobkaas oo soo jeedinaayo in si is leeg loogu qaybiyo Dowlad goboleedyada, haddii dowlad goboleed lagu qaybiyo. Gobolka Banaadir ma ahan Dowlad goboleed.

Haddaba dad badan oo sharci yaqaano ah ayaa qaba in qoondadii gobolka Banaadir ay ku dhexjirto Galmudug iyo Hiiraan oo isku dar haysta 16 Xildhibaan, halka ay ka kooban yihiin saddex gobol iyo bar oo keliya oo ay ahayd in ay haystaan 11 Xildhibaan.

Akhri maqaal dhanka sharciga oo la xiriira 7 xildhibaan

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *