Kalfadhiga 46aad Ee Baarlamaanka Puntland Oo Maanta Furmaya

Published: June 15, 2020
Baarlamaanka Puntland

Waxaa maanta furmaya Kalfadhiga 46aad ee baarlamaanka Puntland, waxaana kalfadhiga furi doona madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo la filayo inuu ka hadlo arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin wadahadalada dowlada federaalka iyo Soomaaliland, shirka Muqdisho ee uu ku baaqay madaxweyne farmaajo ee looga hadlayo arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.


Puntland ayaa marar badan oo hore kusoo celcelisay in laga qaybgaliyo wadahadalada Soomaaliland iyo dowlada federaalka maadaama muran dhuleed kala dhexeeyo Soomaaliland.


Kalfadhiga 46aad ee Baarlamaanka Puntland ayaa qodoba looga hadli doono waxaa kamid ah la xisaabtanka xukuumada madaxweyne Deni, sida uu horey goluhu qodobkaas ugu sii shaaciyey bartooda internet-ka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *