Wada-hadalka Gudiyadda Farsamada ee matalaya Somalia iyo Somaliland oo Jabuuti ka furmay.

Published: June 15, 2020

Waxaa Maanta Magaalada Jabuuti ka furmay wada-hadalka ay yeelayaan gudiyadda farsamada ee kala matalaya Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Somaliland guddiyadda ayaaa ka kooban wasiiro labada dhinac ah, la-taliyaal iyo masuuliyiin kale oo kala matalaya Somaliland iyo Soomaaliya.

 Madaxweynaha Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey munaasabadda daah furka shirka ay yeelan doonaan gudiyadda farsamada ayaa u rajeeyey in shirkani uu guul, walaaltinimo iyo wax wada qabsi ku soo gaba-gaboobo. sidoo kale waxa uu sheegay in la wada hadlo in ay tahay in la wada heshiiyo.

“Shirkan inshallaah waxaan rajaynaynaa in uu noogu dhammaado guul oo aan uga farxinno shacabkeenna Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxaan ka hadlaynaa sidii loo walaaloobi lahaa, wax loo wada qabsan lahaa, si dhab ah loo wada hadli lahaa, soddon sano waan wada joognay, soddon sano waan kala maqnayn, soddonka sano ee soo socda caruurteenna maxaan uga tagnaa oo dhaxal?” ayuu yiri Farmaajo.

Farmaajo waxa uu dhinacyadda kula dardaarmey in ay si wayn u gorfeeyaan qodobadda muhiimka ah ee horyaala waxa uu sheegay in ay haystaan kalsoonida labada dhinacba “Annagu waan idin siinnay kalsoonidayada dadkii ugu aqoonta badnaa ayaad tihiin Soomaalida, waxaa loo baahanyahay in aad ka fakartaan mustaqbalkeenna soddonka sano ee soo socda, waxaan idiin rajaynaynaa guul, waxaan idiin rajaynaynaa is afgarad walaaltinimo ku dheehan” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Madaxweyne Farmaajo.

Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland oo dhankiisa khudbad ka jeediyay madasha waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in si dhab ah loo wada-hadlo oo la abaaro waxyaabaha xaqiiqda ah ”Maanta waa in aan goaan gaarnaa maadama Soomaali oo dhan ay na sugayso, xagayaga waxaanu halkaan u nimi wixii dhibaato aan aragno in aan sheegno, waxaan diyaar u nahay inaanu dhagaysano ra’ayigga naga duwan” ayuu yiri Biixi.

Horseed Media, 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *