Madaxweynaha Somaliland Oo Magacaabay Guddoomiyayaal

Published: June 29, 2020

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto uu soo saaray wuxuu ku magacaabay guddomiyeyaal cusub, kuwo kalen wuxuu ka qaaday xilalkii ay hayeen, halka qaar kalena uu isku bedelay

Wuxuu magacaabay guddoomiyayaasha gobolada Awdal, Sanaag, Saaxil , hawd, Gabilay iyo gobolka Saraar, guddoomiyayaasha la magacaabay ayaa kala ah”

1. Maxamed Axmed Caalin Yuusuf Guddoomiyaha Gobolka Awdal.

2. Axmed Cismaan Xasan Cilmi Guddoomiyaha Gobolka Sanaag

3. Axmed Maxamed Xaashi Ducaale Guddoomiyaha Gobolka Saaxil.

4. Axmed Cige Maxamed Geeddi Guddoomiyaha Gobolka Hawd.

5. Cabdikariim Aadan Xaaji Diiriye Guddoomiyaha Gobolka Gabiley.

6. Maxamed Cismaan Xaaji Axmed Guddoomiyaha Gobolka Saraar

Dhinaca kale, madaxweynuhu wuxuu xilka ka qaaday Yaasiin Maxamed Shide Ibraahim oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hawd, Cabdiraxmaan Axmed Cali Muuse oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Gobolka Awdal

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *