Abiy Ahmed oo dowlad Shisheeye ku eedeyey dilkii Fanaankii caanka ahaa!

Published: July 2, 2020

Raysalwasaaraha dowlada Itoobiya Abiye Axmed ayaa xiligan la tacaalaya xiisada iyo rabshadaha ka dhashay dilkii loo geystay Fanaanka caanka ahaa Haacaaluu Hundeessaa oo u dhashay qawmiyada Oromada kana mid ahaa mucaaridkiisa.

Rabshadaha ka dhacay caasimada Addis Ababa ayey illaa iyo hada ku dhinteen sida la xaqiijiyey ugu yaraan 81 qof, waxaana Arbacadii magaalada Caasimada ah la geeyay ciidamo baddan oo militari ah si ay uga hortagaan kooxaha kacdoonka wada.

Fanaan Hundeessaa oo kamid ahaa mucaaridka xukuumada ayaa la toogtay Isniintii lasoo dhaafay, waxaana la sheegay in dilkiisa uu  ahaa mid qorsheysan.

Salaasadii ayey magaalada Addis Ababa ka bilowdeen kacdoon ay sameenayaan taageerayaasha Fanaankaasi sida weyn looga jeclaa dalkaasi. Rabshadaha socda ayaa sidoo kale lagu burburiyey goobo badan oo ganacsi.

Waxaana lagu wadaa in maanta oo khamiis ah fanaankan lagu aaso magaaladii uu ku dhashay ee Ambo oo 100km dhanka Galbeedka ka xigta caasimada Addis Ababa.

Raysalwasaare Abiy Ahmed ayaa sheegay in dilkan ay ka danbeysay dowlad shisheeye (waxaa la filayaa inuu ka wado dalka Masar) oo kasoo horjeeda dhismaha biyo xireenka Itoobiya, isagoo sheegay in dilkan loo adeegsaday kooxo uusan magacaabin oo ka dhex shaqeenaya gudaha Itoobiya, waa siduu hadalka u dhigayee.

Abiy ayaa wajahaya kacdoon shacab xili ay loolan kula jiraan siyaasiyiin badan oo kasoo jeeda Qawmiyada uu u dhashay ee Oromada oo si weyn u dhaliilsan xukuumadiisa, fanaanka la dilay ayaa kamid ahaa mucaaridkiisa raggii sida weyn uga soo qeyb qaatay kacdoonka Oromada waday sanadihii lasoo dhaafay, wuxuuna fanaankaasi kahor intaan la dilin wareysi uu siiyey warbaahinta Oromada uu ku sheegay in loo soo hanjabay.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *