Qardho: Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland Oo Kormeeray Xarumaha Ururada Siyaasada Puntland

Published: July 2, 2020

Guddiga Kumeel-gaarka doorashooyinka Puntland, ayaa maanta kormeeray xarumaha ururada siyaasadda Puntland ee magaalada Qardho.

Guddiga oo tagey ilaa xarumaha sagaal urur ayaa sheegay inuu ujeedku ahaa qiimayn ay ku samaynayeen halka uu degan yahay urur kasta iyo sida ay shaqadu uga socoto.

” Ilaa sagaal xafiis ayaanu soo marnay oo ay ururada siyaasadu leeyihiin iyada oo la eegayo goobaha ay degan yihiin qaab dhismeedyada xafiisyada iyo guryaha ay ku jiraan inay kiro yihiin iyo inay guryo kale ayuu yiri:- Cali Jaamac Faarax, oo kamid ah guddiga.

Ururada uu maanta guddigu booqday ayaa waxaa kamid ahaa ururka Mideeye, ururka cadaalada iyo Sinaan, ururka Himilo, ururka Kaah, ururka Bakaal, ururka Run iyo cadaalad, ururka dhalinyarada Puntland iyo ururo kale.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *