Warbixin ku saabsan shirka Dhusamareeb

Published: July 9, 2020

Waxaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad goboleedka Galmudug ku qul-qulaya wufuud kala geddisan oo ka socda Dowlad goboleedyada dalka ka jira.

Madaxda Dowlad goboleedyada ayaa iska hor mariyey ciidamadii amnigooda sugi lahaa, kuwaas oo gaarayya boqolaal askeri, waxaana Galmudug isu diyaarineysaa martigelinta dad ku dhaw kun qof.

Ajandaha shirka ayaa diirada lagu saari doonaa:

  • Doorashooyinka dalka,
  • Dastuurka
  • iyo amniga.

Waxaa horey u burburey Golihii Iskaashiga ee ka dhexeeyey Dowlad goboleedyada oo ay ku mideysnaayeen.

Dadka ka faallooda arrimaha siyaasadda ayaa sheegaya in shirkan uu yahay mid bilow ah oo aan noqon karin mid ay ka soo baxaan arrimo masiiri ah, waxa keliya ee ka soo bixi araa uu yahay, sida Dowlad goboleedyada oo wada jira iyo Dowladda federaalka ah ay wada hadal u geli lahaayeen oo shirkoodu u furmi lahaa.

Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa shirka Dhuusamareeb soo dhaweeyey, waxaana ay sheegeen in uu hordhac u yahay shirka la filaayo in ay isugu yimaadaan DOwladda federaalka ah iyo Dowlad goboleedyu.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *