Cabdiraxmaan Cabdishakuur: Qoraalka Villa Somalia Ka Soo Baxay Waa Mid Caato Ah

Published: July 10, 2020

Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlay aqbalaadii Madaxweyne Farmaajo ee baaqii golaha wasiirada Soomaaliya ee ahaa doorashada inay waqtigeeda ku dhacdo ayuu ku tilmaamay inay tahay mid caato ah oo boor isku qaris ah isla markaana waa ciyi waa ka baryey tahay.

Siyaasi Cabdiraxmaan ayaa qoraal dheer uu soo dhigay bartiisa Facebook, waxaa uu ku dhaliilay mowqifka madaxweyne Farmaajo ee doorashada Soomaaliya, dhanka kalena wuxuu uu horey u soo dhoweeyay warka ka soo baxay golaha wasiirada ee doorashada qaran .

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *