Maraykanka Oo Duqayn Ka Sameeyey Shabeelada Hoose

Published: July 10, 2020

Taliska Ciidamada Maraykanka Afrika ee AFRICOM oo kaashanaya Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa fuliyey duqeyn cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday bar kontorool oo ay al-Shabaab ku lahayd degaanka Hantiwadaag ee gobolka Shabeeladda hoose.

War qoraal ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Maraykanka ayaa lagu shaaciyay in duqeyntaas lagu dilay mid ka mid ah dagaalyahanada Alshabaab iyadoo lagu burburiyey bar kontorool oo ay ku dhibi jireen dadka ku safraya wadadda u dhaxeysa Muqdisho iyo Shabeelada hoose.

Taliska AFRICOM ayaa sheegay inay aqoonsan yihiin in xasilloonida Soomaaliya aan lagu gaari doonin qaab militari oo keliya. Waxay sheegeen inay u baahan tahay in lasiiyo barnaamijyo iyo fursad dadka Soomaaliyeed.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *