Donald Trump oo xabsiga ka sii daayey saaxiibkiis Roger Stone

Published: July 11, 2020
Roger Stone, oo ah nin saaxiib la ah Trump ayaa xabsiga laga sii daayey

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa awoodiisa Madaxweynimo u isticmaaley in uu tirtiro xukun maxkmadeed oo ku dhacay saaxiibkiis, ahaana la taliye iyo mid ka qaybqaatey ololihiisi doorashada Mr Roger Stone. Stone ayaa lagu xukumey xabsi saddex sano iyo bilo gaaraya, kadib markii lagu heley in uu sameeyey been iyo marin habaabin ku saabsan baaritaankii farogelinta Ruushka ee ee doorashadii maraykanka sanadkii 2016.

Warbixin qoraal ah oo oo ka soo baxdey Aqalka cad fiidnimadii Jimcaha, ayaa lagu dhalleeceeyay dacwadda lagu soo oogay Stone iyo eedeymaha ka soo baxay baaritaankiisa. Qoraalka ayaa lagu yiri: Waxaa loola dhaqmay si aan caddaalad ahayn, sida kuwa kale oo badan oo kiiskan ah. Roger Stone hadda waa nin xor ah! , waxaana cafis u fidiyey M.adaxweynaha

Roger Stone, oo 67 jir ah, ayaa lagu xukumay bishii Nofeembar ee sannadka 2019 inuu horjoogsaday baaritaan FBI ay wadey oo ku saabsan in ololaha Trump uu la galay Ruushka si uu ugu guuleysto doorashada 2016. Waxaa lagu xukumay bishii Feebaraayo ilaa iyo 40 bilood oo loo malaynayay inuu u tegi doono xabsiga maalinta Talaadada, laakiin Roger Stone ayaan wax cag ah dhigin xabsiga kadib markii saaxiibkiis Donald Trump uu isticmaaley awoodiisa Madaxweynenimo.

Go’aanka ka soo baxay Donald Trump ayaa hoggaamiyaasha xisbiga Dimoqraadigu ku tilmaameen musuqmaasqii ugu weynaa abid ee ka dhaca dalka Maraykanka iyo kufsi loo geystey caddaaladda.

Adam Schiff oo guddoomiyaha guddiga Sirdoonka ee Aqalka Kongresska ayaa yiri “Cafintan”, Trump wuxuu cadeynayaa in ay jiraan labo nidaam cadaaladeed : mid saaxiibadiisa dambiile ah, midna qof walboo kale oo Ameerikaan ah”

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *