Gen. Odowaa Oo Digniin Kulul U Diray Dadka Iska Isticmaala Tuutaha Ciidanka

Published: July 13, 2020

Taliyaha Ciidamada Xoogga Soomaaliya, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa si kulul ugu digay dadka isticmaala tuutaha militariga Soomaaliya.

“Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed wuxu leeyahay derays lagu yaqaano waxaa isticmaali kara CXDS ma jirto hay’ad kale oo isticmaali karta ma jirto shaqsi kale oo isticmaali kara”ayuu yiri gen. odowaa.

Sidoo kale taliyaha ayaa digniin u diray dadka sida sharci darrada u isticmaala Gaadiidka lagu buufiyo Astaanta Ciidanka Xoogga dalka, kuwaasi oo uu sheegay cidii lagu arko in ciidanka Xoogga dalka si toos ah ugala wareegi doonaan gaadiidkaasi.

” Dhamaan cidda isticmaalaysa gaadiidka Tiknikada ah ee ku buufsan calaamada CXDS lagu garanaayo ee aan diiwaangashanayn waxaan cadaynayaa in laga wareegi doono ” ayuu yiri taliyaha ciidamada xoogga dalka, gen. Odowaa.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *