Guddi Wasiiro Ah Oo Loo Magacaabay Aaska Xasan Abshir

Published: July 13, 2020

Raisul Wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa guddi wasiiro ah u magacaabay aaska raisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax oo shalay ku geeriyooday dalka Turkiga.

Guddiga oo ka kooban sagaal xubnood ayaa ka shaqeyn doona aas-aaska marxuum Xasan Abshir iyo sidii meydkiisa loo keeni lahaa gudaha dalka.

1- Mahdi Maxamed Guuleed Ra’isulwasaare ku xigeenka XFS :Guddoomiye.
2- Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha Dibaddaa :Xubin.
3. Mohamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Warfaafinta : Xubin
4. Maxamed Abuukar Islow Wasiirka Amniga Gudaha :Xubin
5. Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka Cadaalada :Xubin
6. Khadiija Maxamed Diiriye Wasiirka Dhalinyarada : Xubin
7. Fowsiya Abiikar Nuur Wasiirka Caafimaadka :Xubin.
8. Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) Wasiirka Gaadiidka :Xubin.
9. Maxamuud Xayir Ibraahim Wasiiru dawlaha Maaliyadda : Xubin

Alle ha u naxariiste raisul wasaare xasan Abshir Faarax ayaa muddooyinkii dambe cudurka kansar ugu xanuunsanayey cisbitaal ku yaalla magaalada Ankara, halkaas ugu dambayn ku geeriyooday

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment