Qoorqoor oo Dib Ugu Laabtay Dhuusamareeb

Published: July 17, 2020

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaaladda Dhuusamareeb kaddib markii uu Magaalada Garoowe uu uga qeyb-galay aaska Ra-isul wasaarihii hore ee Soomaaliya iyo Madaxweyne Ku xigeenkii hore ee Puntland.

Magaaladda Dhuusamareeb ayaa waxaa looga diyaargaroobayaa soo dhaweynta madaxweynaha dowladda federaalka Somaliya oo la filayo inuu soo gaaro halkaasi si uu uga qaybgalay kulan dhexmari doonaa madaxda federaalka iyo maamul goboleedyada dalka.

Ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka iyo qaar k amid ah Madaxweynayaasha maamul goboleedyada ayaa la filayaa inay dib ugu soo laabtaan Caasimadda Dhuusamareeb si ay uga qaybgalaan wajiga labaad ee shirka Dhuusamareeb.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *