Madaxweyne Farmaajo Oo La Kulmay Hogaanka Bulshada Rayidka

Published: July 19, 2020

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa galabta la kulmay hogaanka ururrada bulshada rayidka.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay ururrada bulshada rayidka ah sida ay ugu hanweyn yihiin in ay soo bandhigaan aragtidooda ku wajahan hannaanka doorashooyinka dalka.

Ururrada bulshada rayidka ayaa madaxweyne Farmaajo la wadaagay in wada hadal lagu dhameeyo khilaafaadka jira iyo in nooca doorashada ee dalka ay noqoto wada ogol, sida ay ku sheegeen war saxaafadeed ay soo saareen.

Dhanka kale ururada bulshada rayidka ayaa kasoo horjeestay war qoraal ah oo ay baahisay madaxtooyada Soomaaliya kaas oo ahaa in ururada rayidku garab taagan yihiin guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo in la qabto doorasho qof iyo cod.

” Waxaa Nasiibdaro ah in warsaxafadeed ka soo baxay madaxtooyada in lagu sheegay in bulshada rayidku rabto nooc gooni (hal qof iyo hal cod) sidoo kale “qorshahaas ku garab taagan yihiin Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *