2000 Qoys oo Ku Barakacay Fatahaada Webiga Shabeele

Published: July 20, 2020

Fatahaad ka dhalatay Webiga shabeele oo qarqarada jabsaday ayaa saamayn xoog leh ku yeeshay qoysas gaaraya 2000 kun sida lagu sheegtay warbixin ay soo saartay Wasaaradda Gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka doladda Federaalka Somaliya


yimaada waxaa ku fatahay Wabiga Shabeele kaas oo saameeyn xoogan ku yeeshay Dad gaaraya 300 qoys oo ku nool Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada Hoose ayaa ku barakacay fahadaada webiga. Sidoo kale qaar kamid ah tuulooyinka hoos yimaada degmada Afgooye sida Tuulooyinka Irdoole, Balbaley, Balow, Jambaluul, Mareeray, Sabiib iyo Caanoole, ayaa waxaa ka barakacay qoysas gaaraya 1500 oo Qooys.


Deegaanka Janaale ayaa isagana kamid ah meelaha laga cabsi qabo inuu wabigu ku soo fatahu , in kastoo ay jiraan xaafaddo kamid ah deegaanka Janaale , Sida Xaafad Siimow iyo Xaafad Jadiid oo ay soo galeen biyo ka dhashay roobkii Xagaaga. Waxaa kaloo jira tuulooyin ay saameysay Fatahaad uu sababay roobkii xagaaga iyo wabiga shabeelle oo heerkiisu sare u kacay qooysas gaaraya 291 Qoys u soo barakacay Deegaanka Janale.

Warbixinta wasaarada waxa ay sheegtay in dadka waxyeeladu ka soo gaartay Fatahaada webiga ay u baahan yihiin Hoy, cunto, biyo nadiif ah iyo caafimaad, sidoo kale waxay wasaaradu sheegtay in isa socodkii gaadiidka dadweynaha iyo ganacsiga uu xiran yahay

Wasaaradu waxay ka codsatay Hay’adaha Caalamiga ee ka shaqeeya jawaabidda Xaaladaha noocan kale in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu gurmadaan dadka u baahan gargaarka ee fatahaadahani saameeyeen.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *