SUDAN: Xabaasha Saraakiil uu Xasuuqay Cumar Al Bashiir oo lahelay

Published: July 24, 2020

Xeer illaaliyaha guud ee dalka Sudan ayaa habeenimadii Jimcaha soogaleyey shaaciyey in la helay Xabaashii lagu duugay 28 Sarkaal sare oo uu xasuuqay Gen.Cumar Al Bashiir sanadkii 1990.

Saraakiishan ayaa la dilay sanad kadib markii uu inqilaab militari dalka Sudan ku qabsaday Gen.Cumar Al Bashiir, waxaana la sheegay in saraakiisha lagu eedeeyey inay isku dayeen inay inqilaabaan Gen.Bashiir.

In ka badan 30 sano ayaa la baadi goobayey halka lagu aasay saraakiishan oo ay weli baadi-goob ugu jireen eheladooda, Xeer illaalinta ayaa sheegay inay weli socoto baaritaanka lagu wado meydadka la helay.

Madaxweyne Cumar Al Bashiir oo xilka kacdoon shacab looga tuuray bishii April 2019, ayaa Salaasadii lasoo dhaafay maxkamada loo soo taagay dacwado cusub oo la xariira Inqilaabkii 1989 oo uu xukunka ku qabsaday, waxaana danbiyada lagu heysto kamid ah jabinta Dastuurka dalka iyo burburinta xukuumadii shacabka doortay, hadii lagu helo danbiyadaasi, wuxuu  muteysan karaa xukun DIL ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. ADUUNYADU.WAA.RAWAYAD.
    QOFBA.MAALINBAY.QAADI.
    KIIXUMAAN.KUKACAY.IYO.KII
    WANAAG.KUKACAYBA.ALBASHIR.
    WIXII.UUSAMEEYEY.AYAASUGAYA.
    THANK.YOU.