SUDAN: Dagaalo ka dhacay gobalka Darfur

Published: July 27, 2020

Gobalka galbeedka Sudan ee Darfur ayey markale ka dhaceen dagaalo u dhaxeeysa qabaa’ilka dhulkaasi ku dhaqan, Qaramada Midoobay ayaa Axadii sheegtay in maleeshiyaad hubeysan xasuuq u geysteen dad rayid ah.

In ka badan 500 maleeshiyaad hubeysan ayaa la sheegay inay weerar ku qaadeen magaalada Masteri, weerarkan dhacay Sabtidii ayaa bartilmaameed laga dhigtay dadka u dhashay qabiilka Masalit.

Jimcihii lasoo dhaafay ayey sidan oo kale maleeshiyaad hubeysan ay ugu yaraan 20 qof oo shacab ku dileen deegaankaasi, weerarkan oo ahaa kii ugu horeeyey oo in muddo ah gobalkaasi ka dhaca.  

Dowlada Sudan ayaa sheegtay inay ciidamo dheeraad ah u diri doonto gobalkaasi.

Warsaxaafadeed uu Axadii shalay soo saaray Raysalwasaaraha Sudan Abdalla Hamdok, ayaa lagu sheegay in ciidamada cusub u diri doonaan dhulkaasi si loo difaaco shacabka aan hubeysneyn.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *