Weriye Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo Xukun xabsi lagu ridey

Published: July 29, 2020

Waxaa maanta mar kale la horkeenay maxkamadda weriye Cabdicasiis Gurbiye oo ka tirsan warbaahinta Goobjoog.

Dacwad oogaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa ku eedeeyey Cabdicasiis Axmed Gurbiye in uu ku xadgudbey sharafta Madaxweynaha Jamhuuriyadda, isla amrkaasna facebook ku faafiyey war been abuur ah oo ah Madaxweyne Farnmaajo uu qaatey qalabka lagu neefsado ee yaaley mid kamid ah isbitaalada Muqdisho, waxaana uu dalabadey in xukun adag lagu rido.

Abdiaziz Ahme Gurbiye
Abdiaziz Ahmed Gurbiye

Maxkamadda ayaa ku ridey lix bilood oo xabsi ah iyo ganaax gaaraya 5 milyan oo shilin Soomaali ah oo u dhigma 200$. Cabdicasiis Gurbiye ayaa si adag u diidey eedaymaha loo jeediyey, waxaana u furan in uu rafcaan qwaato.

Maxkamadda ayaa u adeegsatey Gurbiye xeerka ciqaabta ee soo abxay 1964, kaas oo horey Madaxweyne farmaajo u sheegay in aan xeerkaas la isticmaali doononin.

Dhamaan ururada u dooda xuquuqda aadanaha iyo tan saxaafadda ayaa canbaareeyey xariga Cabdicasiis Gurbiye.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *