Sii-hayaha Raysal Wasaaraha Soomaaliya Oo Diray Hambalyadda Ciidul Adxa

Published: July 30, 2020

Sii-hayaha raysal wasaaraha Soomaaliya ahna raysal wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda ciidda.

Raysal wasaare Mahdi ayaa ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan u rajeeyay inay ku ciidaan farxad, baraare, nabad iyo amni buuxa ayaa ku dhiirri geliyay in dadka nugul in la caawiyo si ay qeyb uga noqdaan bulshada farxadda ku ciideysa

Sii hayaha Raysal wasaaraha dalka ayaa sidoo kale dadka ciidaya kula dardaarmay in laga taxadaro faafitaanka COVID19 oo la qaato talooyinka wasaaradda iyo caafimaadka dalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *