Ururada Bulshada Rayidka Oo Kasoo Horjeestay Magacaabida Golaha Garsoorka iyo Batroolka

Published: July 31, 2020

Ururrada bulshada rayidka Soomaaliyeed ayaa kasoo horjeestay oo sharci darro ku tilmaamay habka loo maray magacaabida guddiga adeegga garsoorka iyo hey’adda batroolka oo ay dhawaan magacaabeen golaha wasiiradda Soomaaliya ee laga noqday kalsoonada.

War-saxaafadeed kasoo baxay ururrada buslahada rayidka Soomaaliyeed ayaa lagu canbaareeyey shan xubnood oo ay golaha wasiirada Soomaaliya u magacaabeen golaha adeegga garsoorka iyo sidoo kale sideed xubnood oo ay ka dhigen maamulka hey’adda batroolka.

Bulshada rayidka ayaa golaha wasiiradda ee xilka sii-haya ugu baaqay in wixii magacaabis ah oo ku saabsan golaha adeegga garsoorka, hey’adda bartoorka iyo guddiyada kale ee muhiimka ah uga danbeeyaan xukuumada soo socota, iyagoona xusuusiyey hay’adaha fulinta iyo sharci dejinta inay ilaaliyaan ku dhaqanka sharciga.

Hoos ka Akhriso war-saxaafadeedka:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *