Israel oo duqeysay Saldhigyada Ciidamada Siiriya

Published: August 4, 2020

Diyaaradaha dagaalka ee Israel ayaa xalay duqeeyey dhowr saldhig oo ay ciidamada dowlada Bashar Al Assad ku leeyahay koonfurta wadanka Siiriya.

Israel ayaa ku eedaysay in kooxo kasoo tilaabay dhinaca Siiriya isku dayeen inay qaraxyo ku aasaan dhulka ay maamulaan ee buuraleydan Golan.

Telefishinka Dowlada Siiriya ayaa baahiyey in gantaalo ay Israel kusoo tuuray xarumo militariga leeyahay isla markaana aysan jirin wax khasaaro dhimasho ama dhaawac ah, waxay sidoo kale dhinacooda sheegeen inay iska difaaceen duulaan dhanka Cirka ah oo Israel isku dayday inay kusoo qaado caasimada Dimishiq.

Horseed Media  

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *