Beesha Muddoolood oo Baaq Ka Soo Saartey Shirkii Muqdisho Uga Socdey

Published: August 6, 2020

Beesha Muddulood ayaa baaq ka soo saartey shir qaatey afar maalmood oo uga socdey Magaalada Muqdisho, shirkaas oo ay ka qaybgaleen oday dhaqameedyo, siyaasiyiin iyo waxgaradka kale ee beesha Muddolood.

Shirka ayaa waxaa intiisa badan hareeyey ka hadlidda arrimaha siyaasadda, waxaana baaqa ka soo abxay u badan yahay arrimaha siyaasadda sida Ciidamada shisheeye, Doorashooyinka, Maqaamka Muqdisho, Dhismaha Dowlad goboleedka Banaadir.

Shirka ayaa soo dhaweeyey 13 Xildhibaan oo Aqalka Hoose sheegeen in ay u ansixiyeen Gobolka Banaadir in uu ku yeesho Aqalka Sare oo lagu qabsadey Gobolo iyo Dowald goboleedyoba.

Dhanka kale shirku waxa uu ka digey muddo kororsi in la sameeyo waxaana ay adkeeyeen in doorashadu ku dhacdo xiligeedi.

Shirka ayaa ku dhawaaqey in la sameeyo Dowlad goboleedka Gobolka banaadir, inkasta oo aan la garaneyn qaabka ay dastuurka u waafajin doonaan hal gobol oo caasimaddii ah in loo sameeyo Dowald goboleed.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Caqliga xumi haduusan garan waxa dhibaato lasoomaray kana garaabin wixii uu gaystay dil qarax barakac iwm waxa uumoodayaa inuu wanaag ahaa hadana dhibaatadii laga bogsaday dib u abuurayo iyadoo waqtiyadii talada dalka soo hayeen sameeyeen muddo korosiyo labadii hogaamiye wax qabad muuqdana aaney sameyn maantana ku baaqayaan kicinta beesha hawiye ee ay ka dhasheen io hanjabaadaha io dagaal baan wax ku qabsaneynaa mana dooneyno sharci in dalkaan lagu hogaamiyo xamar anakaa leh io wax aaney ku hadlin cawaamku iney isugu baaqaan shalay waxay qaban waayeena iska dhigaaya maanta iney qaban karaan nimankii sunta ku aasey xeebaha nimankii iibsaday baddii nimankii iibsaday meelihii danta guud loogu qaban lahaa wax bulshada iney yirahdaan maamul baan udhiseynaa banaadir waxaan dooneynaa mataalka caasimada aqalka sare waxaan dooneynaa inaann ku tumano sharciga oo aan laga hirgalin dalka sharciyadii doorashooyinka ee barlamaanku codka kalsoonida uqaadeen iskuna raaceen labada aqal ee barlamaanada xukuumada madaxweynuhuna saxiixay ku bedelno doorasho qabiil io odayaal soo xulaan iyagoo aad moodo iney shaki ka qabaan inaaney dalka wax ku laheyn kana dooranayaa 1991wixii ay sameeyeen ilaa 2012-2016 oo ahaa boob io dhac io ragaadis howlihii dowladda ceyrintii ra’iisal wasaarayaashii iyagoo ka talo qaadanaayey gaalo io shisheeye u sheega danahooda una muuqan waayey maanta quruxda io horumarka dhaqaala nabadgalyada io dowladnimada ka taaba qaaday soomaaliya hadal dhamaantiis doorta nabada colaadi waatii lasoo arkay’e