Marwada Madaxweynaha Soomaaliya Oo Xarun Ka Dhagax-dhigtay Hobyo

Published: August 9, 2020

Marwada Madaxweynaha Soomaaliya Saynab Cabdi Macalin ayaa maanta dhagaxdhigtay cisbitaalka hooyada iyo dhalaanka ee degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Waxaa dhagaxdhiga ku wehliyey madaxweyne kuxigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid, guddoomiyaha golaha wakiilada Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal, guddoomiyaha gobolka mudug ee Galmudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye Isxal iyo masuuliyiin ka socday hay’adda Qatar Charity oo mashruuca maalgelinaysa.

Marwada madaxweynaha Soomaaliya oo leh urur ka shaqeeya arrimaha hooyada iyo dhalaanka ayaa qayb ka ah fulinta mashruucan, waxaana ururkaasi lagu magacaabay Saynab Moallim Foudation.

Sidoo kale Marwo Saynab ayaa horey sidan oo kale waxay bishii May ee sanadkan 2020 ka dhagaxhigtay magaalada Baraawe ee ka tirsan Koonfur Galbeed xarun loogu talagalay daryeelka hooyada iyo dhallaanka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Asc.
    Xaas madaxweyne oo hadba meel dhagax dhigta ama aad ugu dhex qasan hawlaha dawlada waa maamul xumada lagu yaqaan dawladaha Africa.