Muqdisho:10 Xisbi oo Cusub oo Oo Maanta Iska Diwaangaliyay Guddiga Doorashooyinka Federaalka

Published: August 10, 2020

Guddiga doorashooyinka madaxa banaan ee Federaalka ayaa maanta shaaciyay inay diwaangeliyeen 10 Xisbi siyaasadeed oo Cusub. Guddigu waxay sheegeen inay diiwaangaliyaan magaca, astaanka iyo Calanka 10 Xisbi

Xisbiyada Siyaasadeedyada Cusub ee Guddiga doorashooyinku ay diiwaangaliyaan ayaa kala ah:

  1. Xisbiga Runta iyo Cadaalada
  2. Xisbiga Astaan Qaran
  3. Xisbiga Siyaasadeedka Hogaanshe
  4. Xisbiga Nabada iyo Xalinta khilaafaadka Somaliyeed
  5. Xisbiga Dib u Heshiisiinta iyo Horumarinta
  6. Xisbiga Wadaniga ee Israac
  7. Xisbiga Isbedelka Dimoqraadiga ah
  8. Xisbiga Hayaan
  9. Xisbiga Dhulka Hooyo
  10. Xisbiga Dhalinyarada Somaliyeed ee SYL
https://www.facebook.com/NIECSomalia/videos/2370597669901466/

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil ibraahim (Yareey) oo 27 Juun 2020 hortagtey Baarlamaanka federaalka ayaa soo bandhigtay labo nooc doorasho oo qof iyo Cod ah oo dalka ka dhici karaa taasi oo u baahan waqti dheeraad si loo hirgaliyo.

Diiwaangelinta xisbiyadan Cusub ayaa ku soo beegmaysa iyadoo weli aan heshiis laga gaarin nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta sanadkan 2021.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment