Ilhan Omar oo guuleysatey mar kalena difaacanaysa kursiga Congress-ka

Published: August 12, 2020

Xildhibaan Ilhan Cumar oo ka tirsan Aqalka Kongoresska Maraykanka ayaa habeenkii xalay ku guuelastey doorashada is-reebreebka Xisbiga Dimoqraadiga ee musharaxa bisha Nofeember ee degmada shanaad Minneapolis.

Inkasta oo la saadaalinaayey in Ilhan guulaysaneyso ayeyse tartan adag kala kulantey Melton-Meaux oo ahaa musharax ay si weyn u taageerayeen ururada difaaca qaddiyadda Israel, sidoo kale taageero ka heley Warbaahinta Burjuwaasiyiinta ee weli ku taagan dhaqankii hore ee Sahnuuniyaddu dhigtey.

Ilhan Cumar ayaa ku guulesyatey 57.4% codadka la dhiibtey waxaana ay heshey isku geyn codad gaaraya 92,443, Musharaxa ugu soo dhawaa ee tartanka adag la galay ayaa ah Antone Melton-Meaux ooo helay 39.2%.

Ilhaan Cumar ayaa doroashada bisha Nofeember ay u noqoenaysaa Teeramkii labaad ee Aqalka Kongoress-ka.

Ilhan oo hadda xubin ka ah guddiga Arrimaha Dibada ee Kongareeska Maraykanka ayaa muddo waday olole ka dhan ah Xad-gudubyada ay geystaan dowladaha Israel iyo Sacuudiga, waxaana ururo badan iyo weliba dalal shisheeye donayeen in ay is-reebreebka hore ku celiyaan.

Ilhan Cumar waxay asal ahaan ka soo jeedaa Soomaaliya waxaana taageero ballaadhan siiyey Soomaalida ku dhaqan magaalada Minneapolis, iyo isbeddel doonka Xisbiga Dimoqraadiga.

Teeramkii kowaad ee ay ka tirsaneyd Aqalka Kongeresska Maraykanka ayey noqotey qof caan ah kadib markii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu dhaleecaeyntiisa la bartilmaameedsadey, sidoo kale waxay si weyn isaga hor yimaadeen ururada difaaca kuwa ku xadgudba xuquuqda aadanaha.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *