Madaxweyne Farmaajo ma heley qofkii uu Raysalwasaaraha ka dhigi lahaa?

Published: August 14, 2020

Waxaa lagu wadaa in dhawaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku dhawaaqo Raysalwasaaraha cusub ee beddalaya Xassan Cali Kheyre.

Iyada oo xilliga u harsan Dowladda federaalka ah ay tahay mid aad u yar ayey ku qaadatey Madaxweyneha wakhti badan in uu soo magacaabo Raysalwasaaraha, waxaana uu isku xirnaa istraatiijiyado badan oo la doonaayo in Rasywalsaaaraha cusub uu fuliyo. Ugu horreyn sida la saasdaaliyey Madaxweynuhu ma magacaabin raysalwasaaraha inta la xaqiijinaayo in uu fashilmey shirkii Dhuusamareeb ama uu ku imaanayo dib u dhac aan la garan karin xilliga la isu imaanayo.

Raysalwasaaraha cusub ee lagu dhawaaqayo ayaa ka soo jeeda deegaanada Galmudug, sida ay Horseed u sheegeen dad xog-ogaal ah, waxaana looga fadhiyaa in labo waddo mideed uu qaado, in uu ka shaqeeyo doorasho xiligeedi ku dhacda heshiisna lagu yahay, ama in uu ka shaqeeyo sidii hay’adaha dowladdu u heli lahaayeen muddo kororsi, taas oo Madaxweynaha iyo shir-guddoonka baarlamaanku u ololeynayaan, ma jiro wakhti kale iyo shaqooyin kale oo u harsan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *