Beesha Caalamka oo cadaadis dul-dhigtey Farmaajo

Published: August 17, 2020
Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Maxamed Cabdullaahi iyo safiirka Maraykanka ee Soomaaliya D. Yamamoto

Warar ilo xog-ogaal ah Horseed Media ka heshey ayaa sheegaya in uu socdo dedaalo lagu badbaadinaayo shirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada xuvbnaha ka ah.

Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya u fadhiya James Swan iyo safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa xiriiro kala duwan la sameeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda Dowlad goboleedyada, waxaana ay wadaan in la helo hab shirku dib ugu bilaaban karo.

Beesha Caalamka ayaa hadda cadaadiska ugu weyn dulsaartey saacadihii la soo dhaafey Madaxweyne Farmaajo, waxaana ay ka dalbedeen in uu Muqdisho ku soo laabto, saacadaha soo socda si ay shir ugu wada qaataan, wararka diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo laga dalbadey in uu magacaabo raysalwasaaraha, sidoo kale shirka soo socda laga qaybgeliyo shirguddoonka labada Aqal, si ay meesha uga baxdo dooda madaxweynaha ee ah baarlamaanka ayaan dib ugu celinayaa qorshaha doorashada ee la isla garto.

Dhanka kale Puntland ayaa ku adkeysatey mowqifkeeda, waxaana ay ergada beesha caalamka u sheegeen in aan la aamini karin Madaxweyne Farmaajo, waxay sheegeen in wax shuruud ah aysan ku xirin shirarkii hore, si niyadsan uga qaybgaleen, laakiin Madaxweynuhu inkiray wixii ka soo baxay shirkii Dhusuamareeb 2, sababta raysalwasaare Kheyre u ridey ay tahay burburinta shirka loo balansanaa 15 Agoosto, isaga oo aan qarsana sheegay in aanu diyaar u ahayn heshiis uu galo.

Horseed Media ayaa ogaatey in maamulka Jubaland ogaa warsaxaafadeedka ay Puntland soo saartey kuna aragti ahaayeen, inkasta oo aysan soo saarin mid u gaar ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

3 Comments

  1. Waxaan anigu qabaa in gedi socodka dumuqradiyada loo hiiliyo, maamul gobolkii hada ka maqan shirkaa dhusamareeb 3, yeelkadoda waayo meeshan maha meel qof koray oo maqdar ah oo musuul shaganaya madax loogu salaaxi lahaa sidii ilmo yar oo koraya, dumuqradiyadu waxeey ina fareysaa ( Majority Rules) sidaa daradeed madama intii badneydba ay maanta joogto waxaan qabaa inaan loo joojin inta rabta ineey lugta qabato gedi socodka nabada, gedi socodka dawladnimo iyo horumarka umada iyo dalka somaliyeed. Beesha caalamkana waxaan leeyahay ogaada inaad wadanka marti ku tihiin sidaa daradeed ka fogaada inaad faraha la soo gashaan arimaha gudaha ee dalka somaliya.

  2. Anigu waxan qabaa in la doono cid walba oo saamiley ah si loo helo daganansho siyaasaded mida kale fikirka ah Reysulwasaare madaxweynaha ha magacaabo waa mid sax wayo waxa mesha ka muuqata in madaxweynaha aan lagu kalsonan karin

    1. Walaal faysal axmed xasan anigoo fikarka aad u qimeynaya, rabina inaan ku af lagadeeyo, waxaad ka dhawaajisay in aan madaxweyne maxamed cabdulahi maxamed ( Farmaajo) lagu kalsonaan karin , anigu waxaan qabaa in sida qura ee taa lagu ogaan karaa ay tahay in dalka laga suurta geliyo doorasho hal qof iyo hal cod ah, waxanaan ku xususinayaa in madobe isagoo kooxda alshabaab ka tirsan u xilka jubaland qabtay iyo in dani lacagtii deynta aheyd ee u korsiga ku soo fulay weli u gudayo oo intedii badneyd lagu leeyahay.