Shariif Axmed: Marnaba la aqbali maayo in maalin kursiga sharci darro lagu sii joogo.

Published: August 17, 2020

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa niyad jab iyo walaac ka muujiyey khudbaddii Madaxweyne Farmaajo u jeediyey Golaha Shacabka, waxaana uu ku tilmaamey in Farmaajo aanu diyaarba u ahayn in uu dalkaan doorasho ka qabto iyo heshiis la gaaro.

Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag uga digey in dalku u afduubnaado wax uu ugu yeeray ashkhaas dooneysa inay kursiga si sharci darro ah ku sii joogaan, waxaana uu yiri, sidoo kale waxaa uu baaq digniin ah u direy shir guddoonka Golaha Shacabka.

Waxaan aaminsanahay in madaxda dowladdu aysan daacad ka ahayn heshiis laga gaaro xasaradda siyaasadeed ee u dhaxeysa iyaga iyo dowlad goboleedyada, sidoo kalena aysanba qorshaha ugu jirin qabashada doorasho heshiis lagu yahay. Xaqiiqdii dalkaan waxaan ka keennay meel aad u adag, sidaa darteed marna ma oggolaan karno in aayaha iyo masiirka ummaddu u afduubnaado ashkhaas kursiga inay sii joogaan kaliya raba.Waxaan ka digeynaa dhibaato noo muuqata oo madaxda wakhtiga uu kasii dhammaanayo ay ismoodsiinayaan, waxaana caddeyneynaa in aan marnaba laga aqbali doonin in maalin ay kursiga sharci darro kusii joogaan. Sidoo kale waxaan uga digeynaa guddoonka Golaha Shacabka inay ka fiirsadaan tallaabooyinka aan dastuuriga ahayn ee ay ku dhaqmayaan, iyadoo ujeedku yahay in xil-kordhin ay u xalaaleeyaan madaxtooyada.

Shariif Sheekh Axmed

Sheekh Shariif Axmed waa madaxweynihii 7aad ee Jamhuuriyadda, waxaa lagu xusuustaa in sanadkii 2010 booqashadii uu ku tegey Maraykanka ay isku soo barteen Madaxweynaha hadda Maxamed Farmaajo oo uu ka dhigey Raysalwasaare, kaas oo xilka hayey 9 bilood oo keliya, ahaydna markii u horeysey ee uu siyaasadda soo galo oo la barto.

Sheekh Shariif Axmed waxa uu hadda kamid yahay madaxda hoggaamisa mid kamid ah Xisbiya dalka ka jira

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Waa inay doorashadu ku qabsoontaa xiligeedda.
    Laakiin waxaan layaabay shiikh shariif oo aynu ogayn siddii uu kuyimid kursiga qaranka oo sharcidaro ahayd,innuu maanta dhaleeceeyo waxa lasamaynayaa sharcidaro.
    Waxaa baboon qofku marka uu wax dhaliilayo innuu is xisaabiyo laftigiisu.
    Shariif waxaa djabouti loogu sameeyey
    270 qof oo gacan kurimis ah aan sharci ahayn.
    Markii uu noqday madaxwaynaha ee wakhtigiisii dhamaaday waa kii sameeyey sharcidaraddii labaad ee muddo kororsiga.
    Marka waxa haboon in caddaaladda laga hadlo.
    Oo shariif oo kale runta loosheego,Laguna yidhaahddo dadka ma,aha innaad kahadasho sharci ayaa lajebiyey.
    Waxaan hubaa innaan waddankan cidina marti ku ahayn.