Muxuu Daarnaa Kulankii Xalay Ka Dhacay Garoowe – Warbixin

Published: August 24, 2020

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa habeenkii xalay casumaad u sameeyey dad gaaraya 40 qof, kuwaas oo isugu jirey hoggaamiyaasha urarada siyaasadeed ee Puntland , ururada bulshada rayidka ah, siyaasiyiin hore, aqoonyahano kale, kulankan oo uu dalbadey Madaxweyne Deni ayaa loogu magacdarey is xogwaraysi iyo dhegaysiga tallooyinka.

Qodobada madaxweyne Deni ka hadley waxaa kamid ahaa:

  1. Shirarkii Dhuusamareeb
  2. Xaaladda guud ee Puntland gaar ahaan Gaalkacyo
  3. Ururada Siyaasadeed ee Puntland
  4. iyo Tallaabada xigta Dhuusmareeb 3 kadib

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa warxbin ka siiyey dadkii uu casumey sida Shirkii Dhuusamareeb1 ku yimid. Deni ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyey sababta Puntland shirka saddexaad uga hartey, waxaana in badan oo dadkii ka soo qaybgalay ay ku qanceen warbixinta Madaxweyne Deni, kuwaas oo qaarkood qabeen in Puntland ku khladaneyd in Dhuusmareeb 3 ay ka baaqsato.

Deni ayaa sheegay in Puntland diyaar u tahay dhamaystirka taabbo-gelinta doorashooyinka dalka, xiriir fiican ay la leeyihiin Madaxda Dowlad goboleedyada, dhawaana la isugu imaan doono kulan lagu dhamaystirayo sidii dalka doorasho uga dhici lahayd.

Ururada Siyaasadda ee Puntland

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in Puntland maanta ay u socoto in ay u gudubto nidaamka Xisbiyada, “….annigu markii aan nidaamka Xisbiyada aadaay qorshahaygu maaheyn Xisbiyadu aniga i taageeraan oo ii heesaan ee waxaana ku faraxsanahay in ay aragtidooda siyaasadeed muujin karaan, laakiin halka ay u socdaan ay tahay in Puntland xukumaan, sidaas darteed la doonaayo in ay ilaaliyaan halka ay doonayaan in ay xukumaan….”

Gaalkacyo

Madaxweynaha Puntland waxa uu sheegay mudadii uu joogay Gaalkacyo in uu ka qabtey shaqo aad u wanaagsan oo dowladnimada la xiriirta, maadaama Gaalkacyo soo martey dhibaatooyin badan waxay waxyeelo gaarsiisey haykalka dowladnimo oo dhan, waxaana uu ballan qaadey in uu dhamaystiraayo.

Ugu danbeyntii

Horseed Media ayaa fahamsan in uu jiri doono maalmaha soo socda shir afaraad, kaas oo lagu soo xiri doono shirarkii hore, noqondoona mid loo dhan yahay, waxaana la sugayaa inta Madaxweyne Farmaajo ku dhawaaqi doono Raysalwasaarihiisi labaad.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *