USA: Rabshadaha ka socda gobalka Wisconsin iyo gacan-kudhiigle la qabtay

Published: August 27, 2020

Waxaa sadexdii habeen ee lasoo dhaafay ay rabshado ka dhacayeen magaalada Kenosha ee gobalka Wisconsin, kadib toogashadii axadii lasoo dhaafay ay booliiska magaaladaasi u geysteen nin madow ah.

Shacabka ka careysay ficiladan ayaa gubay qeybo kamid ah magaaladaasi iyo xarumo ay dowlada leedahay. Ismaamulka gobalkaasi ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah, waxaana magaaladaasi la geeyey ciidamada loo yaqaan National Gaurd.

Waxaase xiisadan sare usii kiciyey kadib markii habeen hore nin hubeysa oo cadaan ah uu dilay 2 qof oo kamid ahaa dadkii banaanbaxayey, ninkan cadaanka ah oo magaciisa lagu sheegay Kyle Rittenhouse oo 17 sano jir ah ayaa hada isu soo dhiibay booliiska.

Waxaa baraha internetka lagu shaaciyey muuqaalka ninkan cadaanka ah oo hubeysan inuu hormaray goobtaasi booliiska ku sugnaa kadib markii uu toogtay labo qof, balse aysan booliiska xirin ninkan dilka geystay arrintaasi oo la yaab ku noqotay shacabka.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *