Saudi Arabia: Amiiro xilka laga xayuubiyey iyo baaritaan socda!

Published: September 1, 2020

Boqorka dalka Sacuudiga Salmaan ayaa saxiixay dikareeto xilka looga qaaday Amiirka Fahad Bin Turki oo ahaa hogaamiyaha isbaheysiga militariga Sacuudiga iyo Imaaraatiga ee dagaalka ka wada dalka Yemen.

Waxaa sidoo kale xilka laga qaaday wiilka uu dhalay oo lagu magacaabo Cabdulcasis bin Fahad oo hayey xilka Guddoomiye-kuxigeenka gobalka waqooyi ee Al-Jouf.

Fahad Bin Turki

Waxaa jira xubno kale oo kamid ah Wasaarada difaaca oo iyagana xilka laga qaaday kuwaasi oo lagu wado baaritaano la xariira musuq maasuq, sida lagu sheegay qoraal lagu baahiyey warbaahinta dowlada.

Tilaabadan ayaa la rumeysan yahay in uu  ka danbeeyo Dhaxal-sugaha dalkaasi Maxamed Bin Salmaan oo raba inuu muujiyo inuu wado olole ka dhan ah musuq maasuqa gaar ahaan dhinaca militariga dalkaasi.

In ku dhaw 300 qof oo isugu jira saraakiil iyo shaqaale kale oo shibil ah ayaa lagu xiray dalka Sacuudiga bilihii lasoo dhaafay, kuwaasi oo loo heysto musuq maasuq lagu lunsaday lacago badan oo la sheegay inay gaarayaan in ka badan 100 milyan oo dollar.

Mohamed Bin Salman ayaa sanadkii 2017 bilaabay ololaha uu ugu yeeray ka hortaga musuq maasuqa isagoo xiligaasi xiray in badan oo kamid ah Maalqabeenada dalkaasi oo uu ku eedeeyey lunsasho lacago balaayiin dollar ah, walow ololaha lagu sheegay mid uu doonayo MBS inuu awoodiisa kusii balaariyo.

Abdirisak Shino
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *