Qoor-qoor Oo Ka Degay Jabuuti

Published: September 2, 2020

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka degay magaalada Jabuuti ee caasimada Jamhuuriyadda dalka Jabuuti.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Jabuuti, Safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya iyo masuuliyiin kale.

Qoor-qoor iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku sugan yihiin Jabuuti waxay kulan la yeelan doonaan madaxweynaha dowlada Jabuuti, waxaana la filayaa inay kala hadlaan arrimo dhowr oo ay kamid tahay dhismaha dekeda Hobyo.

Safarka Jabuuti ee madaxweynaha Galmudug ayaa kusoo beegmaya xili ay madaxda Puntland, Jubbaland ay kula yeelanayaan madaxweyne Farmaajo shir looga hadlayo doorashada Soomaaliya 2021.

SAWIRO:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *