Madaxweyne Deni Oo La Kulmay Xubnaha Labada Aqal ee Kasoo Jeeda Puntland – VIDEO

Published: September 4, 2020

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay kulan casho Sharaf ah ugu sameeyay magaalada Muqdiso xubnaha Puntland ku metala goleyaasha dowladda federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay xubnahan warbixin ku saabsan Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan marxaladda doorashada ee dalku marayo iyo dadaalka Puntland ugu jirto inay qabsoomto Doorasho la isla ogolyahay oo wakhtigeeda dhacda.

Xubnaha labada aqal ee dowlada federaalka ku metela Puntland ee uu la kulmay madaxweyne Deni ayaa waxaa kamid ah Wasiiro ka tirsan xukuumada kalsoonida lagala noqday sida siihayaha wasiirka shaqada & arrimaha bulshada, wasiirka kalluumeysiga iyo khayraadka Badda, siihayaha wasiirka qorshaynta DFS iyo masuuliyiin kale.

Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa shalay booqday xarunta golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya isagoona halkaas ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *