Xeer Ilaaliyaha Qaranka Oo Xeer Ilaaliye U Magacaabay Dilalka Suxufiyiinta

Published: September 9, 2020

Xeer ilaaliyaha guud ee dowlada federaalka Soomaaliya Sulaymaan Maxamed Maxamuud ayaa xeer ilaaliye gaar ah u magacaabay baarista dilalka suxufiyiinta Soomaaliya loogu gaystay, taas oo fududayn doonta in cadaaladda la hor keeno dadkii ku lug-lahaa dambiyada ka dhanka ah wariyaasha Soomaaliyeed.

Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka waxa uu ku wargeliyay dadweynaha Soomaaliyeed in qof kasta oo haya xog la xiriirta dilalka wariyaasha inay kusoo hagaajiyaan Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.

Suxufiyiinta iyo shacabweynaha Soomaaliyeed  waxaa uu Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranku u xaqiijinayaa in cadaaladda la horkeeni doono kuwii ka dambeeyay dilalka iyo waxyeelaynta ka dhanka suxufiyiinta si loo soo afjaro dilalka iyo dhibaataynta ciqaab la’aanta ah ee loo geysto suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Hoos ka akhriso

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *