Villa Somalia shirkii ay ku dhawaaqdey markii labaad oo noqdey waxba kama jiraan?

Published: September 10, 2020

Waxaa lagu wadey maanta oo khamiis ah in shir ay isugu yimaadaan Dowaldda federaalka ah ee Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah, si loo dhamaystiro hannaanka doorashooyinka dalka oo xiligeedi la joogo.

Shirkan waxaa ku dhawaaqey Villa Somalia, waxaana lagu sheegay warka in uu ka dhacayo isla Villa Somalia, Waa markii labaad ee Villa Somalia sheegto in shir rasmi ah furmaayo taas oo noqotey mid been ah.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa Muqdisho ku sugan maalintii sagaalaad, kadib markii ay Muqdisho tageen waxaa war saxaafadeed wadajir ah soo saarey Madaxweynayaasha saddexda ah ee xiriirka dhaw la leh Villa Somalia kuwaas oo sheegay in shirka Muqdisho u dhex yahay Labada Dowlad goboleed ee Puntland iyo Jubaland iyo Dowladda federaalka.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa diidey in ay shir kale oo gaar ah la qabto, waxaana ay shirka ku xireen in uu noqdo mid loo wada dhan yahay.

Shir aan ilaa hadda la garanayn ujeedka laga lahaa, isla markaana waxa ka soo baxay ay ahayd maagid-wadareed ayaa saddexda Dowlad goboleed ee xiriirka la leh Villa Soomaaliya ku qabsadeen Baydhabo, kadibna waxay u soo wada duuleen Muqdisho iyada oo la filaayey in ay Villa Somalia ugu yeertey shirka ay ku dhawaaqdey markii labaad.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in shirku maanta uu baaqdey dibna ugu dhacay maalmaha Sabtida iyo Axadda, si dhab ah looma oga baaqashadan waxay salka ku hayso, waxaase marag ma doonto ah in shirkii Baydhabo ee waxa ka soo baxay ay ahayd maagista uu ahaa mid lagu burburiyey Dhuusamareeb 1 ee iskaashiga Dowlad goboleedyada, waxaana la is weydiinayaa in shirkaas uu ahaa mid Villa Somalia ugu gogol xaareyso in ay wakhtiga ku dhumiyaan Dowlad goboleedyada ayaan heshiisiineynaa, halka ay ahay in la wajaho arrimaha Doorashada.

Sidoo kale waxa Villa Somalia ay casumaada ku dartey guddoomiyaha gobolka Banaadir oo ah qof uu soo magacaabo Madaxweyne Farmaajo, oo aan metalaad rasmi ah ka haysan bulshada Gobolka Banaadir.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *