China iyo India oo ku heshiiyey inay dajiyaan xiisada ka taagan Xuduuda

Published: September 11, 2020

Wasiirada Arrimaha Dibada ee Shiinaha iyo India ayaa maanta oo Jimce ah ku dhawaaqay inay gaareen heshiis lagu qaboojinayo xiisada bilihii lasoo dhaafay ka taagan xuduuda u dhaxeysa labadan wadan.

Wasiirada Wang Yi (China) iyo  Jaishankar (India) ayaa kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Moscow ee dalka Ruushka, halkaasi oo uu ka socdo shirweynaha dalalka ku bahoobay ururka Shanghai Cooperation Organisation.

Labada Wasiir ayaa sheegay in xiisadan ka taagan xuduuda ku taal dhulka buuraleyda ah ee Himalaya ay tahay mid aan dan ugu jirin labada dal.

Waxay balanqaadeen in labada dowladooda ay kala fogeyn doonaan ciidamada badan oo ay muddooyinkii danbe halkaasi kusii daabulayeen, si aysan usoo noqon isku dhacyadii ciidamadaasi dhexmaray.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *