Turkiga oo dib ulla noqday Markab xiisad badan dhaliyey

Published: September 14, 2020

Markabkii Turkida ku baareysay Gaaska iyo batroolka ku jira badda dhexe ee Mediterranean-ka ayaa dib ugu noqday xeebaha dalka Turkiga.

Markabkan oo lagu magacaabo The Oruc Reis ayaa dib ugu noqday xeebaha koonfureed ee dalka Turiga iyo dekada Antalya, markabkan oo ay wehliyaan maraakiibta dagaalka ee Turkida ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay baaritaano iyo sahmin gaas iyo batroolka ka waday bariga badda Mediterranean-ka.

Dowlada Giriiga oo kamid ahayd dalalka sheeganayey biyaha Turkida baaritaanka ka waday ayaa soo dhaweysay tilaabadan oo ay ku sheegeen mid wanaagsan oo bilow u ah wadahadalka.

Go’aanka Turkida ayaa kusoo beegmay xili ay qaar kamid ah dalalka Midowga Yurub ee saaran badda Mediterranean-ka ay isbaheysi sameysteen, isla markaana ku goodiyeen inay qaadi doonaan tilaabooyin wadajir ah oo ka dhan ah damaca Turkida ee khayraadka ku jira baddaasi la isku heysto.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment