Madasha Xisbiyada Qaran oo Dhaliil u Jeediyay Farmaajo

Published: September 15, 2020

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa dhaliil u jeediyey madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyagoo ku eedeeyey inuu caadeystay ku tumashada dastuurka.

War saxaafadeed kasoo baxay madasha ayaa lagu sheegay inuu madaxweynuhu baalmaray sharciga isla markaana curyaamiyey shaqooyinkii baarlamaanka meeshana ka saaray xukuumadii shaqaynaysay taasina ay sababtay jahwareer siyaasadeed.

Madasha ayaa sharci darro ku tilmaamtay magacaabida kusimaha raysal wasaare, oo ay sheegeen inay shuruucda dalka meelna kaga qornayn, waxay kali-talisnimo iyo masuuliyad darro ku tilmaameen inuu dalku xukuumad la’aan ahaado muddo ka badan 50 cisho.

Indheer-garadka, dhaqanka, culimada, siyaasiyiinta iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed ayey ugu baaqeen inay u istaagaan badbaadinta dalka.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *