Qoor-qoor Oo Booqday Aqalka Sare

Published: September 15, 2020

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor ayaa maanta booqday xarunta golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha oo ay wehliyaan xubno ka tirsan wafdigiisa ayaa waxaa halkaas ku dhoweeyey guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo guddiga joogtada ee aqalka sare.

Qoor-qoor ayaa khudbad u jeediyey guddiga joogtada ah ee aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, isagoo warbixin ka siiyey xaaladda Galmudug, metelaada gobolka Banaadir, arrimaha doorashooyinka iyo shirka Muqdisho.

Waa madaxweynihii seddexaad ee maamul goboleed ee hortaga aqalka sare, waxaana Qoor-qoor uga horeeyey madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *