Wasiir Kuxigeenkii Diinta iyo Awqaafta Hirshabeelle Oo Lagu Dilay Jowhar

Published: September 17, 2020

Wasiir Kuxigeenkii Diinta iyo Awqaafta dowlad goboleedka Hirshabeelle Nuur Xaashi Warsame ayaa caawa lagu dilay magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Wasiirka ayaa la toogtay xili uu kasoo baxayey masjid ku yaalla xaafadda Horseed ee magaalada Jowhar, waxaana la xaqiijiyey inuu u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray weerarka.

Marxuumka ayaa sidoo kale kamid ahaa mudanaayaashii lagu bilaabay baarlamaanka Hirshabeelle, hadana isku ahaa xildhibaan iyo wasiir kuxigeenka diinta iyo awqaafta Hirshabeelle.

Bishii hore ayaa sidan oo kale waxaa magaalada Jowhar xili habeen ah lagu dilay wasiirkii beeraha dowlad goboleedka Hirshabelle Cabdqaadir Abuukar Karaani, sidoo kalena ahaa xildhibaan Hirshabeelle ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *