Dowlada Belarus oo xiratay Xuduudaheeda

Published: September 18, 2020

Xukuumada Lukashenko ayaa xirtay xuduudaheeda galbeed iyadoo sheegtay inay ka horgateygso farogelinta uga imaaneysa dalalka reer Galbeedka.

Xuduuda Belarus la wadaagto dalalka Poland iyo Lithuania ayaa gebi ahaan la xiray, wuxuuna Madaxweynaha Belarus Lukashenko heegan sare geliyey ciidamadiisa.

Tilaabadan ayaa imaaneysa xili 6dii asbuuc ee lasoo dhaafay ay shacabka wadanka Belarus ay wadeen mudaharaad looga soo horjeedo Madaxweyne Lukashenko oo dalkaasi kasoo talinayey 26kii sano ee lasoo dhaafay.

Doorashadii Belarus ka dhacday bishii Agoosto ayaa keentay banaanbaxyo ay shacabka dhigayaan kuna diidan yihiin xukuumada Lukashenko oo caburin ku heysa dadka rayidka ah oo doonaya inay helaan xoriyad lamid ah tan ay heystaan shacabka dalalka kale ee reer Yurub.

Lukashenko oo isagu kamid ahaa hogaamiyayaasha faro-ku-tiriska ah ee kasoo haray Dowladii Sofiyeetka ayaa aaminsan in banaanbaxyada dalkiisa ka socda laga soo abaabulay wadamada reer Galbeedka, wuxuuna taageero dhaqaale iyo militari ka helayaa hogaamiyaha Ruushka, Vladimir Putin.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *