Madaxweyne Farmaajo oo magacaabey Raysalwasaare cusub

Published: September 18, 2020
Raysalwasaaraha cusub Eng Rooble

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu magacaabay Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo beddalaya Raysalwasaare Xassan Cali Kheyre.

Bayaan ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha oo la-tashiyo badan ka sameeyey Xeer Madaxweyne ku magacaabay Maxamed Xuseen Rooble xilka Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo ku soo xushay aqoonta, waayo aragnimada iyo kartida uu u leeyahay inuu sii ambaqaado dadaallada dowlad dhiska iyo horumarinta qorsheyaasha Qaran.

Ninka loo magacaabey raysalwasaaraha ayaa ah shakhsi ku cusub siyaasadda, waxaana la sheegay in uu yahay Injineer bartey dhismayaasha. Shaqada ugu badan ee Raysalwasaaraha cusub hortaala ayaa ah in uu qabto doorashooyinka kuwaas o bilaabanaya 40 maalmood kadib, waxaana magacaabidiisu imaanaysaa waxy yar kadib markii lagu dhawaaqey heshiis siyaasadeed oo laga gaarey doorashooyinka dalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *