Mahdi Guuleed Oo La Kulmay Raysal Wasaaraha Magacaaban – SAWIRO

Published: September 20, 2020

Sii-hayaha Raysal Wasaaraha dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa la kulmay raysal wasaaraha magacaaban Maxamed Xuseen Rooble.

Sii hayaha raysal wasaaraha iyo xildhibaannada wehliyay ayaa ra’iisulwasaaraha magacaaban u hambalyeeyay una muujiyay taageero iyo garab istaag.

Raysal wasaaraha magacaaban Maxamed Xuseen Rooble ayaa sidoo kale xalay la kulmay guddoonka golaha shacabka baarlamanka federaalka iyo xildhibaanno weheliya kuwaas oo uu ka doonayo codka kalsoonida.

Maalinta berri oo Isniin ah ayaa lagu wada in raysal wasaaraha magaacab cod kalsoonida u qaadaan golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Sawiro

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *