MALI: Kooxaha Xagjirka ah oo siidaayey Siyaasi iyo Gargaarayaal ay afduubteen

Published: October 9, 2020

Kooxaha Xagjirka ah ee xiriirka laleh Al-Qacida kana dagaalama Waqooyiga dalka Mali ayaa siidaayey dad ay afduub u heysteen kadib heshiis ay la galeen dowlada cusub ee Mali.

Dadka la-siidaayey ayaa waxaa kamid ahaa 2 qof oo u dhashay dalka Talyaaniga, 1 qof oo u dhashay France iyo Siyaasi reer Mali ah.

Ms.Petronin iyo Wiilkeeda oo kusoo dhaweeyey Madaarka Caasimada Bamako, Mali

Sophie Pétronin oo ah 75 sano jir u dhalatay dalka France ayaa ahayd qofkii wakhtiga ugu dheer afduubka loo heystay iyadoo gacanta kooxahaasi ku jirtay muddo 4 sano ah, waxayna u shaqeysaa hay’ada gargaarka ah ee Gao.

Waxaa sidoo kale lasoo daayey Baadari u dhashay Talyaaniga oo lagu magacaabo Pierluigi Maccali iyo haweenay kale oo u Talyaani ah oo lagu magacaabo Nicola Chiacchio. Labadan qof ee u dhashay Talyaaniga ayaa la afduubtay sanadkii 2018.

Waxaa isaguna xoriyadiisa dib u helay Siyaasi caan ka ah dalka Mali oo kamid ahaa xisbiyada mucaaridka oo lagu magacaabo Soumaïla Cissé, siyaasigan ayaa la qafaashay bishii Maarso ee sanadkan.

Siideyntooda ayaa timid kadib markii Dowlada Kumeelgaarka ah ee Mali ay siideysay 200 maxbuus oo kamid ahaa dagaalyahanada kooxaha xagjirka ah oo horey loogu hayey xabsiyada wadankaasi.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *